(Madrid) 07 Maarso 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa habeenka Arbaca soo socota mari doonta tijaabadeeda ugu adag xilli ciyaareedka marka ay garoonkeeda kusoo dhoweyso naadiga Paris Saint-Germain kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League, ciyaartaas ayaana dhinaca kale dhiirro gelin u xambaarsan Karim Benzema kaasoo fursad u heysta inay soo barbarreeyo rikoorka goolasha Alfredo Di Stefano ee naadiga Los Blancos.
Haddii uu Benzema dhaliyo labo gool kulankaas, waxa uu gaari doonaa goolkiisii 308-aad ee naadiga Madrid isagoo barbarreyn doona Di Stefano, waxaana markaas dhanka goolasha guud ee Real Madrid loo dhaliyay kaga sarreyn doona oo kaliya Raul Gonzalez oo leh 323 gool iyo Cristiano Ronaldo oo 451 gool u dhaliyay kooxda caasimadda Spain ka dhisan.
34-sano jirka reer France ayaa 100 kiisa gool ee ugu horreeyay Madrid ku dhaliyay muddo shan sano iyo shan bilood ah maadaama uu safashidiisii ugu horreysay sameeyay 29-kii August sanadkii 2009, waxaana goolkiisii 100-aad uu ka dhaliyay naadiga Real Betis 14-kii January sanadkii 2014, halka goolkiisii 200-aad uu ka dhaliyay kooxda Viktoria Plzen sanadkii 2018 ciyaar ka tirsaneyd tartanka Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, ugu dambeyn goolkiisii 300-aad ayuu helay 8-dii bishii January ee sanadkan ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga oo ay Real Madrid 4-1 ku garaacday naadiga Valencia.
Gool FM.