Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Juventus vs Villarreal, Lille vs Chelsea… (Yaa dhammeystiri doono wareegga rubac-dhammaadka Champions League?)

$
0
0

(Yurub) 16 Maarso 2022. Kooxaha Juventus iyo Chelsea ayaa caawa doonaya inay iska xaadiriyaan wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League iyadoo kooxda Taliyaaniga ka dhisan ay soo dhoweyneyso naadiga Villarreal halka ay Blues u safreyso naadiga Lille.

Kulammadii lugta hore ee wareegga 16-ka ayaa laga diiwaan galiyay natiijooyin kala duwan maadaama Juve ay barbarro kusoo gashay carrada Spain iyadoo 1-1 la dhaafi weysey Villarreal halka ay kooxda Ingiriiska ka dhisan ay Stamford Bridge kusoo dubatay Lille oo ay caawa ugu tageyso dalka Faransiiska, kulankii horena waxa uu ku dhammaaday 2-0.

Ogeysiiska Ciyaaraha:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabanayaan ciyaaraha: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoommada: Allianz Stadium, Stade Pierre-Mauroy

Garsoorayaasha: Szymon Marciniak (Poland, Juventus vs Villarreal), Davide Massa (Italy, Lille vs Chelsea)

Shaxda macquulka ah ee kulammada caawa:-

Juventus vs Villareal:

Juventus:

Szczesny; Danilo, Rugani, De Ligt, Pellegrini; Cuadrado, Locatelli, Arthur, Rabiot; Vlahovic, Morata

Villarreal:

Rulli; Aurier, Mandi, Torres, Pedraza; Coquelin, Parejo; Chukwueze, Lo Celso, Pino; Danjuma

Lille vs Chelsea:

Lille:

Jardim; Celik, Fonte, Botman, Djalo; Bamba, Andre, Xeka, Gudmundsson; David, Yilmaz

Chelsea:

Mendy; Christensen, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Kovacic, Alonso; Ziyech, Havertz, Pulisic

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles