Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kooxaha Chelsea iyo Villarreal oo gudbay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Champions League

$
0
0

(Yurub) 16 Maarso 2022. Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka Champions League kaddib markii ay kooxda Lille kaga soo adkaatay 1-2, kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, iyadoo cel celis ahaan Blues ay labada kulan ku adkaatay 1-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Lille iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 38-aad kooxda martida loo ahaa ee Lille ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Burak Yılmaz, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

45 + 3 marka ay dheesha mareysay Chelsea ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Christian Pulisic kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Jorginho.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad Chelsea ayaa hogganka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Azpilicueta, waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis M. Mount.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Lille oo ay booqatay, Blues ayaa qeyb ka noqotay kooxaha nasiibka u yeeshay inay u gudbaan wareega xiga ee siddeeda.

Dhinaca kale naadiga Villarreal ayaa u gudubtay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay celcelis ahaan labada lugood ee wareegan kaga soo adkaatay Juventus 1-4.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles