Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Labo ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee Manchester City oo hal jaalle u jira inay ganaax ku seegaan kulanka Real Madrid ee Champions League

$
0
0

(Madrid) 13 Abriil 2022. Kooxda Manchester City ayaa haysata labo ciyaaryahan oo muhiim ah kuwaasoo hal jaalle kaliya u jira inay ganaax ku seegaan lugta hore ee afar dhammaadka Champions League.

Labadaan xiddig ee muhiimka ah u ah Manchester City ayaa haddii ay caawa kaarka digniinta ah qaataan lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League oo ay la leeyihiin Atletico Madrid, waxa ay ganaax ku seegi doonaan kulanka lugta koowaad ee afar dhammaadka oo ay la ciyaari doonaan Real Madrid haddii ay soo gudbaan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 1-0 kaga badisay Atletico Madrid lugtii hore ee todobaadkii la soo dhaafay lagu ciyaaray garoonka Etihad, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay Kevin De Bruyne, waxaana ay caawa aadi doonaan garoonka Wanda Metropolitano iyagoo faa’iidada ugu badan iyagu gacanta ku haysta.

Si kastaba ha ahaatee, Kevin De Bruyne waa mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee muhiimka u ah Man City ee halista ugu jira in la ganaaxo hal kulan, isla markaana ay seegaan lugta hore ee semi-finalka Real Madrid, haddii Man City ay dhaafto caawa Atletico Madrid.

Daafaca Man City ee Joao Cancelo ayaa sidoo kale heli doona ganaax hal kulan ah haddii uu qaato kaarka Jaalaha kulanka caawa ka dhacaya caasimadda Spain.

Guardiola ayaa awood u leh inuu dib u soo dhaweeyo Kyle Walker lugta labaad ee caawa lagu ciyaarayo Madrid, iyadoo daafaca midig uu soo dhameystay ganaaxii saddexda kulan ahaa ee laga saaray tartammada Yurub kaddib casaan toos ah oo uu qaatay kulankii heerka Guruubyada ee ay Man City martida u ahayd Kooxda RB Leipzig.

Gabriel Jesus ayaan sidoo kale ka qayb qaadan doonin kulanka caawa ee Atletico Madrid kaddib markii uu qaatay jaalihiisii saddexaad ee tartanka sanadkan lugtii hore.

Kooxda Man City ayaa doonaysa inay u soo baxdo wareegga semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkeedii labaad oo xiriir ah iyo midkeedii saddexaad ee taariikhdeeda, haddii ay caawa ka soo gudbaan naadiga Tababare Diego Simeone.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles