Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Man City oo u gudubtay wareega Afar ee Champions League kaddib markii ay si dirqi ah kaga soo baxeen Atlético Madrid

$
0
0

(Madrid) 13 Abriil 2022. Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay ka soo gudbeen kooxda Atlético de Madrid oo ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, maadaama kulankii lugta ay ku adkaadeen 1-0, waxayna cel celiska goolasha ku soo gudbeen 1-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester City iyo Atlético de Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester City iyo Atlético de Madrid, taasoo ka caawisay Reds inay u soo baxaan wareega xiga ee afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League, maadaama kulankii lugta ay ku adkaadeen 1-0, waxayna celceliska goolasha ku soo gudbeen 1-0.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles