(Madrid) 04 Maajo 2022. Kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo Manchester City ayaa caawa ku dagaallami doona kulanka lugta labaad ee wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League iyadoo kooxdii caawa soo gudubta ay iska xaadirin doonto fiinaalka tartanka oo ay magaalada Paris kula ciyaari doonto kooxda Liverpool taasoo xalay kasoo gudubtay naadiga Villarreal.
Man City ayaa ciyaartii hore kusoo adkaatay 4-3, waxayna kusoo baxdaa guul iyo barbarro, halka ay Madrid u baahnaan doonto inay ku adkaato farqi labo gool ama wax ka badan ah si ay usoo baxdo, waxaana xusid mudan in kaliya wadarta goolasha la isku dari doono oo uusan jirin sharciga goolka bannaanka.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Champions League
Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika
Garoonka: Santiago Bernabeu
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)
Wararka kooxaha:-
David Alaba oo kulammadii lasoo dhaafay dhaawac kaga maqnaa ayaa lagu soo daray safka ciyaartan, waxaa sidoo kale soo laabtay kulankan xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Casemiro, balse waxaa Los Blancos ka maqnaan doona Eden Hazard iyo Gareth Bale.
Dhanka kale, Manchester City ayaa dib u heleysa difaacyadeeda kala ah Kyle Walker iyo Joao Cancelo oo dhaawac iyo ganaax ku kala seegay kulankii lugta hore, balse waxaa ciyaartan ka maqnaan doona John Stones oo isla kulankii hore ku dhaawacmay.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Manchester City ayaa tartanka Champions League kaga adkaatay Real Madrid saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay, waxaana jira kaliya labo naadi oo Los Blancos ku garaacay tartammada Yurub afar kulan oo xiriir ah waana Ajax (intii u dhexeysay 1973 illaa 1975) iyo Bayern Munich (intii u dhexeysay 2000 illaa 2002).
Real Madrid ayaa laga reebay UEFA Champions League shantii jeer ee ugu dambeysay ee lasoo garaacay lugta hore ee wareegga semi-finalka, hase ahaatee, waxay soo gudubtay labo ka mid ah saddexdii jeer ee ugu dambeysay ee wareegyada bug-baxa tartankan lagu garaacay lugta hore.
Manchester City ayaa soo gudubtay sagaal ka mid ah 10-kii jeer ee ugu dambeysay kulammada bug-baxa ee labada lug ah ee tartanka Champions League marka ay soo adkaato ciyaarta lugta hore.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius Jr.
Manchester City:Ederson; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Jesus, Foden.
Gool FM.