(Yurub) 05 Maajo 2022. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa todobaadkan tartanka UEFA Champions League, waxayna si rasmi ah ugu doorteen xiddiga todobaadka UCL goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois.
Goolhayaha naadiga Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa tartankan kaga adkaaday xiddigo ay ku jiraan Luis Diaz oo ka tirsan Kooxda Liverpool, Coquelin oo ka mid ah Villarreal iyo Bernardo Silva oo metela Man City.
Thibaut Courtois ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii Manchester City, isagoo siddeed badbaadin sameeyay oo ay ku jireen kuwo geesinimo leh guushana siiyey kooxdiisa Real Madrid.
Real Madrid ayaa sameysay soo laabasho taariikhi ah kulankii xalay ay 3-1 ku garaacday Manchester City, waxayna xaqiijisatay u soo bixitaanka final-ka Champions League ee sanadkan ka dhacaya Magaalada Paris, halkaas oo ay ku wajihi doonaan Liverpool.
Gool FM.