Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sadio Mane oo fariin kaftan ah u diray Benzema kahor finalka Champions League

$
0
0

(Liverpool) 27 Maajo 2022. Laacibka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa fariin kaftan ah u diray weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema, kahor inta aysan labada kooxood Reds iyo Los Blancos isku arkin kulanka finalka Champions League.

Real Madrid ayaa sabtida bari ah finalka tartanka ugu muhiimsan Yurub kula ciyaari doonta Liverpool garoonka Stade de France International ee ku yaala magaalada Saint-Denis ee caasimada France ee Paris.

SportSkeeda ayaa shaacisay fariinta kaftanka ah uu Sadio Mane u u diray Benzema kahor finalka Champions League, wuxuuna yiri:

“Karim Benzema waa nin da’ayar ah oo wanaagsan, weeraryahan aad u wanaagsan, iyo mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, wuxuuna soo bandhigaa mar walba.”

“Laakiin waxaan u maleynayaa inuusan noqon doonin ciyaartooy fiican sabtida, waxaana filayaa in ciyaarta kaddib uu mar kale sidiisii hore ku soo noqdo oo uu fiicnaado.”

“Sida aan bilowgii sheegay, hadafkeyga waa inaan saaxiibadeyda Liverpool kula guuleysto afar koob, ilaa hadda waxaan ku guuleysanay labo koob, midna waan ku guuldarreysanay, waxaana hadda heysanaa Champions League, aan ku guuleysano tartankan, waana arki doonaa waxa dhaca.”

Si kastaba Mane ayaa ku riyoonaya inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri:

“Laakiin dabcan aad ayaan ugu faraxsanahay hadii aan ku guulaysano Champions League, anigana waxaan ku guuleystay Ballon d’Or.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles