Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Gareth Bale oo ku soo laabtay tababbarka Real Madrid kahor fiinaalaha Champions League-ga

$
0
0

40D6F35600000578-4546766-image-a-48_1495841857747

(Madrid) 27 Maajo 2017. Gareth Bale waxa uu dib ugu soo noqday tababbarka kooxda kowaad ee Real Madrid isaga oo diyaar u ah in loo xusho safka kowaad ee fiinaalaha Champions League-ga ee 3-da Juunyo.

Bale garoomada ayuu ka maqnaa tan iyo markii uu kubka dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Real guuldaradda 2-3 kala kulantay El Classico kooxda Barcelona.

Hase ahaatee, 27 jirka dib ayuu ugu soo laabtay tababbarka kooxda xilli uu Zinedine Zidane diyaar garow ugu jiro fiinaalaha Cardiff.

“Wiilasha ayaan tababbarka kula soo laabtay, diiradda oo dhan waa Cardiff,” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Bale.

Waa kulan dareen u leh Bale maadama uu ku dhashay magaalada Cardiff.

Bale tarbuunka ayuu ka daawaday kulankii ay Real Madridku hanatay La Liga ee ay 2-0 ugu awood sheegatay Malaga.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles