Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Gareth Bale oo si cad u sheegay “100% Taam ma ihi”

$
0
0

(Madrid) 30 Maajo 2017 Gareth Bale ayaa hoos u dhigay taam ahaanshihiisa kulanka adag ee sabtiga kooxdiisu ay ka hortagi doonto kooxda Juventus.

Laacibka reer Wales ayaa sheegay in 100% uusan si buuxda taam u ahayn, wuxuuna intaa ku daray inuu aqbali doono go’aan walba oo uu qaato tababare Zidane.

Muranka ugu wayn ee ka dhex jira kooxda ayaa ah laacibka ku soo bilaaban doona ciyaarta marka la fiiriyo Bale iyo Isco.

“100% taam ma ihi, ma aanan ciyaarin 6 ilaa 7 isbuuc, waxaan maray qaliin kadib waan ciyaaray laakiin waxaan wajahay xanuun daran, xitaa markii aan soo laabtay waxaan isticmaalayay kaniini si aan uga qayb qaato kulamada iyo tababarka” ayuu yiri Gareth Bale.

“6 ilaa 7-dii isbuuc ee u danbeeyay xoogaa nasiino ah ayuu helay anqawgayga, si fiican ayaanan uga soo caafimaaday dhaawaca, si adag ayaan u shaqaynayay, laba mar ayaanan tababar samaynayay isbuucii, si aan diyaar u noqdo”.

“Haddii la iiga yeero inaan ciyaaro kulanka bilowgiisa waan samayn doonaa, laakiin daqiiqadaha dambe arinku wuu adkaan doonaa, waayo si joogto ah uma ciyaarin xiliciyaareed kan kagadaal qaliinkii aan maray”.

“Isco sifiican ayuu noogu ciyaaray ilaa dhamaadkii xiliciyaareedka, sidaas darteed waan aqbalayaa go’aan walba oo tababaruhu uu gaaro”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles