Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, wali wuu sameyn karaa farqi” – Xavi

$
0
0

(Barcelona) 07 Nof 2022. Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ammaanay awooda weeraryahanka kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo, isagoo xusay inuu wali sameyn karo isbedel.

Isku aadka wareega isreebreebka koobka Europa League ayaa waxaa ka soo baxay kulammo waaweyn, sida kulanka kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

Xavi Hernandez ayaa wax laga weydiiyay xiddiga Man United Cristiano Ronaldo, sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, wuxuuna yiri:

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan weyn.”

“Cristiano Ronaldo waxa uu goobjoog u ahaa wakhti aan caadi ahayn oo kubadda cagta ah, waxaana aaminsanahay in uu wali isbadal samayn karo.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles