Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Bale oo balan qaadkan u sameeyay xiddigaha Real Madrid haddii ay sabtida CL ka qaadaan Juventus

$
0
0

reaaa

(Madrid) 01 Juunyo 2017. Magaalada uu ku dhashay kuna soo bar-baaray Gareth Bale ee Cardiff ayaa sabtida marti galin doonta kulanka xiisaha badan ee final ka Champions League ee kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Xiddiga reer Wales ayaa goobta ku leh Maqaaxi shidan wuxuuna daaha ka rogay inuu xiddigaha Real Madrid u qaadi doono halkaa si ay ugu baashaalaan cabitaanana uga cabaan.

Bale ayaa bishii la soo dhaafay dayactir ku sameeyay, dib u furay isla markaana magaca ka badelay maqaaxida Elevens Bar and Grill.

Maqaaxidan oo sidoo kale loo garan jiray Dempseys ayaa waxaa iminka milkiyay xiddiga Real Madrid.

“Waan garanayaa halka aan doonayo inaan ku dabaal dego. Inaan kooxda u qaado Elevens Bar and Grill isla markaan aan cabitaan yar qac ka siino,” Bale ayaa sidaa yiri.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles