(Cardiff) 02 Juunyo 2017 – Qabtaha qawaarka ah ee Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa aqbalsan inay Real Madrid kaga waayo aragsan tahay Champions League Finals balse wuxuu ku adkaysanayaa “in aysan taasi waxba ka bedelaynin isu dhiganka labada naadi” oo berri is wajahaya.
Buffon ayaa loo saadaalinayaa Ballon d’Or haddii ay Juve ku guulaysato kulanka Cardiff, balse wuxuu ruug caddaagani diiradda saarayaa sidii ay Bianconeri ciyaar u muujin lahayd.
“Waxaa jira xiisad, feejignaan heer sare ah iyo rabitaan ah inaan samayno wax taariikhi ah,” ayuu ku yiri Mediaset Premium.
“Waxay ila tahay in kulanka berri uu yahay kulan ay qof kasta waajib ku tahay inuu dadaal badan bixiyo, waa run inay Real Madrid taariikh wanaagsan ku leedahay finals-ka tartankan, balse taasi waxba kama bedeli doonto miisaanka ciyaarta.” ayuu raaciyay.
Gool FM