(Cardiff) 02 Juunyo 2017 – Waxaa habeen dambe dhacaysa ciyaar laga daawan doono in ka badan 200 oo dal oo caalamka ah taasoo ah dhamaadka Koobka Horyaallada Yurub ee dhexmaraysa Juventus vs Real Madrid.
Caasimadda Welsh-ka ayaa soo dhowaynaysa 200,000 oo dalxiise iyadoo sidaa darteed ay amaanka gegada Principality Stadium oo qura ay ilaalinayaan ilaa 2,000 oo ciidamo ah booliis ah, kuwaasoo garraarsan qoryaha daran doorriga u dhaca.
Tillaabooyinka amaan ee la qaaday ayaa waxaa ka mid ah iyadoo taageerayaasha laga xarrimay inay baco la galaan garoonka, iyadoo la xiri doono saqafka sare ee garoonka si looga fursado halis ka timaadda hawada sare.
Constable Richard Lewis ayaa laga qoray: “Tan iyo markii la doortay Cardiff waxaa jirey weerarro ka dhacay Paris, Berlin iyo meelo kale, sidaa darteed waxaa durba jira qorshe diiradda lagu saarayo amaanka.”
Gool FM