(Cardiff) 03 Juunyo 2017 Laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa Rikoor cusub ka sameeyay koobka horyaalada yurub.
Ronaldo ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa ka hor intii uusan Mandzukic u soo barbareyn dhanka kooxda Juventus.
Xiddiga reer Portugal ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee 3-Final oo kala duwan goolal ka dhaliya, waana wax aan horay uga dhicin taariikhda koobkaan.
Ramos ayaa fursad u haysta inuu la mid noqdo Ronaldo haddii uu caawa gool ka dhaliyo Juventus kaas oo 2-Final oo hore shabaqa soo taabtay.
Gool FM