Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Kulanti wacan Fergie time!” Benzema oo la kulmay Sir Alex Ferguson

$
0
0

benzema

(Madrid) 05 Juunyo 2017. Karim Benzema waxa uu taageereyaasha la wadaagay sawir isaga iyo Sir Alex Ferguson kuwada jiraan kaddib fiinaalahii Champions League-ga ee Cardiff.

France-siiska olole wanaagsan ayuu la qaatay Real Madrid isaga oo 19 gool dhaliyey 48 kulan oo uu saftay, waxa uu ahaa wadnaha kooxda ciyaartii ay 4-1 uga badiyeen Juventus habeenkii Cardiff.

Tababbarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson oo iminka ah safiir UEFA ayaa ahaa mid ka mida dadkii ugu horreeyey ee u hambalyeeya Cristiano oo laba gool fiinalaha ka dhaliyey balse Benzema ayey kulmeen waxyar uun kaddib.

“Fergie time. Kulanti wacan Sir Alex #Halyey#Maamule#Xushmad,” ayuu 29 jirka ku soo qoray Twitter-kiisa.

Maamulihii hore ee Red Devils waxa uu sawirka kula galay Benzema qolka labiska kahor inta uusan la kulmin xiddigo kale oo Real Madrid ka tirsan.

Benzema waxaa so xooggan loola xiriirinayey Man United kahor inta uusan ku biirin 2009kii Real Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles