Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Isku aadka Champions League oo beri la sameynayo….(Yay ku aadi kartaa Liverpool?)

$
0
0

cll

(Europe) 03 Agoosto 2017. Isreeb-reebka Champions League ayaa beri oo jimco ah lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Kooxda Liverpool oo muddo ka maqnayd tartankan xiisaha badan ayaa ogaan doonta cida ay ku aadi doonto is reeb reebka si ay uga mid noqoto kooxaha kol hore u soo baxay wareega group yada.

Haddaba goorma ayaa la sameynayaa isku aadka?

Waxaa isku aadka la sameyn doonaa beri oo jimco ah, marka ay taariikhdu ku asteysan tahay 4-ta Agoosto isla markaana ay saacada UK tilmaameyso 11am. Dhanka geeska Afrika waxay noqon doontaa todobo saac duhurnimo salaada jimacaha kaddib.

Liverpool ayay ku aadi kartaa?

Kooxda lagu naaneyso Reds ayaa ku aadi karta kooxaha. AEK Athens, Club Brugge, CSKA Moscow, Hoffenheim, Istanbul BB, Nice, Sporting Lisbon, Steaua Bucharest, Viktoria Plzen, Young Boys.

FIIRO GAAR AH: Is reeb reebka ayaa waxaa ka soo bixi doona 10-kooxood iyagoo ku soo biiri doona 22-ka kooxood ee horey ugu soo gudbay wareega group yada.

Haddaba waa kuwee 22-ka horey ugu soo baxay wareega Group yada Champions League?

CL

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada is reeb reebka CL?

Waxaa lugta hore la kala ciyaari doonaa 15 iyo 16 bishan Agoosto, halka lugta labaadna la kala ciyaari doono 22 iyo 23 Agoosto.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles