Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ronaldo oo caawa ciyaaraya Final-kiisii 12-aad ee waayihiisa Real Madrid

$
0
0

(Skopje) 08 Agoosto 2017 Cristiano Ronaldo ayaa caawa ciyaari doona Final-kiisii 12-aad ee waayihiisa Real Madrid tan iyo markii uu ku soo biiray xaggaagii 2009.

Sida ay baahisay AS, Ronaldo ayaa u ciyaaray Real Madrid 11-Final, 8-kamid ah waa uu kula guulaystay halka 3-Final laga qaaday kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Super Cup-ka Spain ee 2011, Copa del Rey 2013 iyo Super Cup-ka Spain ee 2014 ayaa ah kaliya 3-dii Final ee laga qaaday Real Madrid Ronaldo oo u ciyaaraya.

Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Real Madrid, wuxuu ka maqnaaday kaliya laba final oo uu dhaawac ku seegay kuwaas oo kala ah Copa del Rey 2014 iyo Super Cup-ka yurub 2016.

11-kamid ah 14 Final oo Ronaldo uu horay u soo ciyaaray, wuxuu shabaqa soo taabtay 9-Final isaga oo dhaliyay 13-gool, waxaana ka mid ah hal kulan oo uu dhaliyay 3-leey iyo laba kulan oo uu dhaliyay min 2-gool.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles