(Barcelona) 17 Maarso 2016 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si fudud uga faraxalatay kooxda Arsenal oo ay 3-1 ku khaarajiyeen wiilasha MSN ee Neymar 18’daqiiqo, Suarez 65 iyo Messi 88.
Halka gool ee madiga ah waxaa Arsenal u dhaliyey Elneny, 51’daqiiqo, waxaana ciyaartii ka dhacday garoonka Camp Nou ay Barcelona isu gayn ahaan ama cel-celis kusoo bexeen 5-1, halka Gunners ay tartanka isaga hartay.
Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa rikoorradii cajiibka ahaa ee laga bartay kulankii Barcelona iyo Arsenal ee Champions League.
>- Suarez ayaa dhaliyey goolkii 17-aad 14-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray kooxdiisa Barcelona.
>- Barcelona ayaa gaartay rubuc-dhamaadka Champions League markeedii 14-aad.
>- Kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxda saddexaad ee 100 kulan garoonkeeda guul ku gaarta Champions League/European Cup.
>- Lionel Messi oo 36 gool dhaliyey, Luis Suarez (6) iyo Neymar (9-gool ah) ayaa haatan dhaliyey isku dar 51-gool wareegga isreeb-reebka Champions League.
>- Barcelona ayaa haatan gaartay rubuc-dhamaadka Champions League sagaal xilli ciyaareed oo isku xigta, waana heerkoodii ugu fiicnaa ee tartankan.
>- Kooxda Arsenal ayaa ku hartay wareegga 16-ka Champions League mid kasta oo ka mid ah 6 xilli ciyaareed oo xiriir ah.
>- Lionel Messi ayaa dhigay rikoodh cusub oo Champions League ah, waxaana uu noqday ciyaaryahanka ugu badan hal koox goolasha ugu badan ka dhaliya tartankan, waxaana uu 9 gool ka dhaliyey kooxda Arsenal.
>- Mohamed Elneny ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee kooxda Arsenal iyo waliba goolkiisii ugu horreeyey ee Champions League.
>- Kooxda Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay sameyso hal shuut oo bartilmaameed toos ah qeybta hore ee kulankan oo ay ka hortageen Barcelona.
>- Luis Suarez ayaa ku lug lahaa 60-gool tartammada oo dhan xagaagan, 42-gool waa uu dhaliyey halka uu 18 gool caawiyey, waana ciyaaryahanka ugu badan shanta horyaal ee Yurub.
>- Neymar ayaa isaguna ku lug lahaa 7 gool shantii kulan ee ugu dambeeyey Champions League uu ciyaaray, isagoo 3 gool dhaliyey 4 caawiye ka ahaa.
>- Messi iyo Suarez ayaa isku dar xilli ciyaareedkan u dhaliyey Barca 78-gool, waxaana ay 7 gool ka badan yihiin kooxda Arsenal oo tartammada oo dhan dhalisay 71-gool.
>- Alex Iwobi ayaa markii ugu horreysay ku soo bilowday Champions League, isagoo aan wali Arsenal ugu soo bilaaban kulan Premier League.
Gool FM.