(Stoke) 16 Agoosto 2017 Stoke City ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ku soo qaadatay laacibkii PSG ee Jese Rodriguez.
Kooxda reer ingiriis ayaana noqotay kooxda haysta ciyaartoyda ugu badan ee ku guulaystay Champions League marka lala barbardhigo kooxaha kale ee ingiriiska.
Kadib saxiixii Jese Rodriguez, Stoke City ayaa ka dhigan in safkeeda ay ku jiraan ilaa 5-laacib oo ku soo guulaystay Champions League.
Chelsea ayaa ku jirta booska 2-aad waxayna haysataa ilaa 4-laacib oo hantay koobka horyaalada yurub.
Mancheter City ayaa haysta 3-laacib, halka United ay ku jirto booska 4-aad waxayna haysataa 2-laacib.
Arsenal iyo Liverpool ayaa wada wadaaga min hal laacib.
Gool FM