(Europe) 17 Maarso 2016. Gegida Allianz Arena ayaa waxaa xalay ka dhacay ciyaar aad u cajiib ahayd oo jilbaha looga murxay iyadoo ugu dambeyntii waqti dheer kaddib 4-2 looga adkaaday Juventus oo marti ahayd.
Lugtii hore ee kulankan ayaa lagu soo kala baxay 2-2, kooxda reer Talyaani ayaana dhiiranaan ku timid Jarmalka oo 2-0 ku hogaamineysay ilaa 20-kii daqiiqo ee ugu dambeysay balse wax kastaa waa isbadeleen oo daqiiqadihii lagu daray dheesha ayaa si xun loo ruquusay oo lagu cabay 4-2.
Sikastaba kalanka waxaa siyaabo kala gadisan uga hadlay tababaraha Bayern Guardiola, kabtanka Marwada Duqda ah Buffon, daafaca birta ah ee Bonucci iyo xiddigihii hore ee kooxdan Coman iyo Vidal oo ka soo jeeday dhanka kale, iyo xiddigii Chelsea Juan Cuadrado.
TABABARE GUARDIOLA:
“Soo kabshada waxay ku timid dareen iyo qiirad ma ahayn mid taak-tiko ah.
“Tani waa kubbada cagta, daqiiqad waxay leeyihiin waxaa tahay kan ugu fiican adduunka, daqiiqada xigtana waxaa tahay Masiibo, madaxa maa aynaan fooraarin daqiiqadii 69-aadna ma moodeyn inaan sameyn karo ilaamaa aan helnay goolka koowaad.”.
PAUL POGBA:
“Si wacan ayaan ku bilaabannay kulanka tan kaliya aan seegnay waa inaan dhammeystirno goolka saddexaad. Tani wa kubbada caagta, waxba kama sameyn karno iminka.
“Waynu ku guuleysan karnay, laakiin faahfaahinta ayaa dhamaadka sameysay kala duwanaanshaha, si ka fiican ayaynu sameyn karnay.”.
ARTURO VIDAL:
“Ma aaminsani inaynu ka cabsanaynay Juve waana sababta aan u guuleysannay, waan isdajinay waxaana xakameynay kubbada, innagoo og goor dhow amaba goor dambe inaan dheesha ku celin doono wadada saxda ah.”.
COMAN:
Da’yarka Bianconeri ee amaahda ugu jooga kooxda hogaamineysa Bundesliga ayaa isna yiri: “Dhab ahaan uma niyad jabi karo anigoo Juventus matalaya waayo waxaan iminka qeyb ka ahay Bayern.”.
GIGI BUFFON:
“Kubbada cagta waxaa laga sameeyay dhacdooyin. Qeybtii labaad waxay ciyaareen dheel aad u weerar ah gool ayayna u badaleen fursadahooda.
“Waa niyad jab in shabaqaaga la tago daqiiqada 90-aad, laakiin waan ku faraxsanahay kooxdan.”.
LEONARDO BONUCCI:
“Waan ku faraxsanaha kuna sharfanahay inaan qeyb ka noqdo kooxdan”.
JUAN CUADRADO:
“Waxaa jiraa shalayto kaddib bandhig sidan oo kale u wayn, kubbada cagta waa sidaa oo kale, labo daqiiqo unaa ka harsaneyd ka hor inteysan ciyaarta bar-bareyn”.
WAXAA SOO URURIYAY: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).
Gool FM.