(London) 26 Sebt 2017. Chelsea ayaa u safreysa Spain si ay u noqoto kooxdii ugu horreysay ee ka timaada bannaanka oo ku ciyaarta garoonka cusub ee Atletico Madrid Wanda Metropolitano marka ay habeen dambe isku qabtaan Champions League.
Blues ayaa kulankii furitaanka nus darsan goolal ah uga soo adkaatay Qarabag halka Atletico ay bar baro goolal la’aan ah la soo gashay AS Roma.
Hazard iyo Morata ayay u badan tahay inay ku soo bilowdaan kulanka habeen dambe.
Diego Costa kama hor imaan karo kooxdiisii hore ee Chelsea maadaama uu suuqa ganaax ka saaran yahay Atletico Madrid ilaa suuqa Janaayo.
DAAWO SAWIRRO:
Gool FM.