(Madrid) 28 Sebt 2017. Diego Simeone ayaa aaminsan in Chelsea ay ka wacneyd kooxdiisa Atletico Madrid ciyaartii xalay ee looga adkaaday 2-1.
Blues ayaa ka soo laabatay 1-0 oo lagu hogaaminayay kaddib gool uu u dhaliyay Morata waxaa dhammaadka ciyaarta goolka guusha u dhaliyay Batshuayi oo xitaa lama baasan goolka.
“Chelsea way naga fiicnaayeen innaga, markasta waxay u muuqdeen kuwa xasiloon oo kulanka ku raaxeysanaya,” Simeone ayaa sidaa yiri.
“Chelsea waxay u ciyaartay si fiican, kulan dhammeystiran, waxay ahaayeen kuwa tartamaya oona xoogan wayna u qalmeen guushooda.
“Waa Muhiim inaan horey u sii socono. Waan iska hagaajin doonaa dhan kasta waana hubaa inay guusha imaan doonto.”.
“Fursado waan helnay, Saul 2-0 ayuu ka dhigi karay, laakiin xeelad ahaan way naga fiicnaayeen, sidoo kale jir ahaana way naga fiicnaayeen waxayna ku ciyaarayeen awood badan.”.
Gool FM.