(Europe) 31 Okt 2017. Pep Guardiola iyo ciyaartoyda Manchester City ayaa loo ogolaan doonaa inay Suuman iyo waxyaabaha kale xirtaan, balse Shaqaalaha kooxda, Taageerayaasha iyo xitaa saxifiyiinta iyo waliba taageerayaasha Napoli ayuu Surwaal badan ka dhici doonaa maadaama laga mamnuucay kaddib fowdo laga cabsi qabo.
Sheekadan Yaabka leh aya timid kaddib markii ay kuwa Gangs ah suuman ku weerareen taageerayaasha City ka hor ciyaartii hore ee ka dhacday Ingiriiska 17-dii bisha kolkaa ay wiilasha Guardiola ku adkaadeen 2-1.
Mid ka mid ah fowdiistayaasha oo madaxa Suuman uga xirnaa ayaa la xiray oo 5 bilood lagu xukumay iyagoo markii dambe dhaawac daran u geystay canug 17 jir ah.
Inkastoo sababo fowdo laga cabsanaayo aawadeed Man City looga mamnuucay Suumanka ayaa misane waxaa arrinkan si wayn u dhaleeceeyay xoghayaha Taageerayaasha Man City oo sheegay in kooxdooda wax uun ku dhacaan intay ciyaarayaan Champions League:
“Markii hore waxaa nalaga ganaaxay oorinta, intaa kaddib waxaa nalaga ganaaxay Garoonka iminkana waxaa nalaga mamnuucay xirashada Suunka.”.
Gool FM.