Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Harry Kane oo taam u ah ka hortagida Real Madrid

$
0
0

Image result for Pochettino And Kane

(London) 31 Okt 2017 Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in Harry Kane uu taam u yahay kulanka Real Madrid.

Kane ayaa ku dhaawacmay kulan kooxdiisu ay 4-1 uga adkaatay kooxda Liverpool, wuxuuna seegay kulankii Man United ay 1-0 uga adkaatay sabtigii kooxdiisa.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in 100% uusan hubin in Kane uu ka hortagayo Real Madrid, balse wuxuu cadeeyay inuu qayb ka yahay shaxda kooxda.

“Harry Kane waa uu ku jiraa liiska, waana suurogal inuu ciyaaro barri, laakiin xaalkiisa maanta ayaan arki doonaa, ma doonayo inaan iraahdo go’aanku waa 100%” ayuu yiri Mauricio Pochettino.

“Kane waa uu ka qayb qaatay tababarka buuxa ee maanta, waliba wuxuu uga qayb qaatay si lamid ah ciyaartoyda intooda kale”.

“Muhiimadu waa in la qaato go’aanka saxda ah haddii ay ahaan lahayd laacibka ama kooxda, waa inaan aragnaa waxa uu dareemayo caawa iyo barri”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles