(Europe) 01 Nof 2017. Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa sheegay inuusan sharaxaad ka bixin Karin musiibadii xalay ku habsatay kooxdiisa Chelsea kaddib guul daradii 3-0 ay kala kulmeen AS Roma tartanka Champions League.
El Shaarawy ayaa uga shubay markii ciyaartu socotay 39 ilbiriqsi oo qura taa oo ka dhigan inuu yahay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League xilli ciyaareedkan iyo kii ugu dhaqsiyaha badnaa ebid taariikhda kooxda reer Talyaani.
“Ma hubo sida uu u dhaliyay laadkaasi kulul, laakiin 50 ilibiriqsi uun kaddib gool baa lagugu leeyahay,” ,” Courtois ayaa sidaa u sheegay BT Sport.
“Goolkii labaad waan qeyliyay, laakiin buuq badan ayaa ka jiray garoonka Cesar Azpilicueta ayaana kubbada soo fasaxay.
“Waxaan aaminsanahay inaan si fiican u ciyaarnay qeybta hore ee ciyaarta, laakiin qeybtii labaad waxaan u muuqanay inaan iska dhignay ruuxda dagaalka mana garanayo wixii dhacay.
Roma ayaa sidaan ku qabatay hogaanka Group ka halka ay Chelsea fadhiso kaalinta labaad.
Gool FM.