Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Hadal uu tababaraha Sevilla u sheegay ciyaartoydiisa oo sababay inay soo bar-bareeyaan 3-dii gool ee Liverpool

$
0
0

ss

(Spain) 22 Nof 2017. Tababaraha Sevilla Eduardo Berizzo ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inuu qabo Kansar intii lagu guda jiray nasiinada qeybta hore ee ciyaarta ka hor inta aysan sameyn soo laabashadii cajiibka ahayn kulankii xalay ay bar baraha 3-3 la galeen Liverpool Champions League.

Kooxda reer England ayaa ciyaarta qeybta hore ku hogaamineysay 3-0 balse Sevilla ayaa dadaal xoogan ay sameysay kaddib iska soo guday goolasha.

Waxaa la fahansan yahay in aqbaarta naxdinta leh uu tababara u sheegay ciyaartoydiisa waqtigii nasiinada waana mida ay dad badan arkeen sida ay ciyaartoyda ugu carareen dhanka macallinkooda markii ay dhammaadka dheesha bar bareeyeen ciyaarta.

 Sevilla players rushed to celebrate their late equaliser with their manager

Naadiga Sevilla ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciso in Berizzo uu qabo Kansar isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono.

Waxaa qaliin lagu sameyn doonaa 48 saacadood ee soo socota waxaana la filayaa in shaqadiisa uu ku sii wareejiyo mid ka mid ah shaqaalaha kooxda. Inkastoo aysan kala caddeyn in kooxda ay booskiisa si ku meel gaar ah qof kale ugu magacaabi doonto.

Tababare Berizzo ayaa waqtigii nasiinada u sheegay xiddigihiisa inay ku ciyaaraan si ruux leh isla markaana uusan jirin qalad aan la sixi Karin.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles