Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Taageerayaasha Man United oo aad u careysan ka hor kulankooda Champions League!!

$
0
0

taa

(Manchester) 20 Dis 2017. Taageerayaasha Manchester United ayaa caro bastood la ah kaddib markii lagu soo dalacay lacago xoog leh tikidhadooda kulanka Sevilla ee Champions League.

Taageerayaasha careysan ayaa ku yaacay baraha bulshada iyagoona kooxda reer Spian ku dhaleeceeyay inay ceyb ku tahay falka ay ku kaceen.

Manchester United ayaa loo qoondeeyay 2,650 oo kuraas marka ay Feebraayo booqan doonaan Ramon Sanchez Pizjuan lugta hore ee wareega 16-ka Champions League, waxaana loo qeybiyay labo oo midkiiba qiimo gooni ah yahay.

Qeyb waxay taageerayaasha bixin doonaan 89 bound halka qeybta kalena lagu soo dalcay qiimo sare 133 oo bound.

Manchester United travel to the Ramon Sanchez Pizjuan to play Sevilla in February

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa sheeganaya inay lacago intaas ka yar uu xitaa ku baxayo duulimaadkooda magaalada Sevilla iyaguna ay hal fadhi oo qura ku doonayaan lacagahaasi badan.

Kuwa kale ayaa ugu baaqay saraakiisha Old Trafford inay soo dhex galaan arrinkan isla markaana ay gacan siiyaan taageerayaashooda.

Sikastaba, taageerayaasha Liverpool ayaa lagu soo dalcay 54 bound oo qura Tikidhkiiba markii ay wiilasha Jurgen Klopp u soo safreen isla garoonkan bishii la soo dhaafay.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles