(Manchester) 12 Feb 2018 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay waxa laga rabo laacibkiisa Kevin De Bruyne si uu ugu guulaysto Ballon d’Or.
Pep ayaa sheegay in Kevin De Bruyne uu u qalmo inuu ku guulaysto abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka, maadama uu kulan walba soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.
Balse wuxuu sheegay in laga doonayo inuu ku guulaysto koobab gaar ahaan Champions League haddii uu doonayo inuu u tartamo abaal marintaas.
“Ballon d’Or? Shaki kuma jiro inuu u qalmo, qaab ciyaareed fiican sooma bandhigo kaliya hal kulan balse 3-dii maalinba hal qaab ciyaareed ayuu soo bandhigaa” ayuu yiri Tababare Pep Guardiola oo la waydiiyay in Kevin De Bruyne uu u qalmo ku guulaysiga xiddiga ugu fiican adduunka.
“Laakiin waa uu ogyahay dhamaana way ogyihiin in u tartanka Ballon d’Or ay u baahantahay ku guulaysiga koobab, waliba koobab badan gaar ahaan Champions League”.
“Si walba oo ay ahaato, Kevin De Bruyne wuxuu soo bandhigayaa qaab ciyaareed ay adagtahay in looga saramaro yurub”.
Gool FM