Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ma doonayo inaan arko isaga oo xiran funaanada Real”– Raisul Wasaaraha Spain oo niyad jabiyay Neymar (Muxuuse ka yiri kulanka Real iyo PSG)

$
0
0

(Madrid) 13 Feb 2018 Raisul Wasaaraha dalka Spain ayaa ka hor yimid in Neymar uu ku soo biiro kooxda Real Madrid isaga oo aan sheegin sababta.

Mariano Rajoy oo ah Raisul wasaaraha Spain tan iyo 2011 ayaa sheegay inuusan jeclayn in Neymar uu ku soo biiro kooxda boqortooyada Spain.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay kulanka habeen dambe, wuxuuna sheegay in Real Marid ay ciyaarayso koobka ay ugu jeceshahay kaas oo sanadkaan ah rajada kaliya ee u hartay.

Image result for Mariano Rajoy Neymar

“Neymar oo xiran funaanada Real? Ma jecli inaan laacibkaas arko isaga oo xiran funaanada Real Madrid” ayuu yiri Mariano Rajoy oo la hadlay AS.

“Real vs PSG? Kulankaas oo kale wax walba ayaa ka dhici kara, yaanaan hilmaamin in kooxdani tahay Real Madrid, koobkuna uu yahay kii ay ugu jeclayd”.

“Real rajadeeda sanadkaan waa Champions league oo kaliya, sidaas darteed isaga oo kaliya ayeey xooga saarayaan waana wax wanaagsan”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles