(Liverpool) 14 Feb 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa rumaysan in kooxdiisu ay u tartami karto ku guulaysiga Champions League xiliciyaareed kaan.
Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda sanadkaan ugu fiican yurub ay tahay Manchester City isla markaana ay ka soo adkaadeen.
50 jirka reer Jarmal ayaa rumaysan in Liverpool ay ku jirto kooxaha heerka sare xiliciyaareed kaan, wuxuuna Reds la meel dhigay PSG.
Kooxda tababare Klopp ayaa caawa u martin doonta kooxda FC Porto, wuxuuna yiri ciyaarta ka hor:
“Waxaan rumaysanahay in Man City ay tahay kooxda ugu fiican yurub xiliciyaareed kaan, laba kulan ayaanan la ciyaarnay, sidaas darteed waxaan ka ciyaarnay heer sare, waana garanaynaa muhiimada kulamadaas oo kale”.
“Waan ogahay in PSG ay wax kale tahay xiliciyaareed kaan, laakiin iyaga ayaad nala meel dhigi kartaan waayo Man City ayaan la ciyaarnay waana garaacnay, isbarbardhigu waa kaas” ayuu sii raaciyay.
Gool FM