Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Cristiano Ronaldo oo xalay dhigay SADDEX RIKOODH oo aan Innaba caadi ahayn

$
0
0

(Madrid) 15 Feb 2018. Cristiano Ronaldo ayaa xalay Qoray taariikh kale oo cusub kaddib labadii gool uu u dhaliyay Real Madrid.

Los Blancos ayaa 3-1 ku dhufatay PSG lugta hore ee wareega 16 ka Champions League ee xalay lagu ciyaaray Bernabeu.

Madrid oo Midh lagu hogaaminayo ayaa Rigoore ay heshay waxaa ugu bar bareeyay Cristiano Ronaldo oo si xoogan shabaqa u dhex dhigay.

Goolka ayaa ka dhignaa goolkiisii 100-aad uu Champions League u dhaliyo Real Madrid, waana laacibkii ugu horreeyay ee ebid hal koox u dhaliya goolashaasi waana laacibkii ugu horreeyay ee Real Madrid goolashaasi u dhaliya.

Labada gool uu xalay saxiixa CR7 ayaa sidoo kale ka dhigan inuu yahay laacibka kaliya ebid ee 7 xilli ciyaareed oo xirir ah Champions League ka dhalinaya 10-gool iyo ka badan oo ma jiro laacib labo jeer oo xiriir ah ka badan dhaliyay 10-gool iyo wax ka badan.

Intaa oo kaliya ma ahanee Ronaldo ayaa sidoo kale goolal wada dhaliyay dhammaan Todobadii kulan uu ciyaaray Champions League kal ciyaareedkan taa oona uga dhigan Rikoodh kale oo u gaar ah.

Burak Yilmaz ee ka tirsanaa Galatasaray iyo Ronaldo ayaa awal heystay rikoodhka xiddigaha shabaqa wada tagayay lixda kulan ee ugu horreysa Champions League, balse Ronaldo ayaa iminka Rikoodhkaasi dhaafay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles