(Madrid) 15 Abriil 2016. Emilio Butragueno waxa uu sheegay in Real Madrid aysan dhayalsan doonin Manchester City marka ay fooda isku daraan afar dhamaadka Champions League kaddib markii ay heerkan oo kale ololihii taga ku hareen.
Wiilasha Zinedine Zidane waxa ay ka bad baadeen in ay ku aadaan Bayern Munich iyo kooxda ay is xifaaliyaan ee Atletico Madrid isku aadkii Jimcaha (Maanta) la sameeyey.
“Mar waliba is arag dheelitiran ayuu ahaan doona. Waxaan ka hadleenaa laba naadi oo haysta ciyaaryahano heerka ugu wanaagsan jooga,” ayey As.com ka soo xigatay Emilio Butragueno.
“Manchester City waa koox halis badan weyna dhiiri galsanaan doonaan.
“Waa in aan sida ugu wanaagsan u dheelnaa waa hadii aan rabno badinta labada kulan si aan fiinaalaha u tagno.
‘Waxaan xusuustaa ololihii hore markii aan ka bad baadnay Barcelona in aan nasiib leenahay hadana waxaa na reebtay Juventus. Waxa uu noqon doona is arag aad u adag.”
City marka qura ee ay Real Madrid is arkee waxa ay ahayd 2012-13 oo ay Group-ka Champions League isku haleeleen, kooxda reer Spain ayaa midna ku badisay 3-2 halka kan kale ay isku garab dheceen (1-1).
Lugta hore waxa ay ku ciyaari doonaan Ethihad Stadium 26-ka April halka lugta labaad ay 4 May ay kuwada dheeli doonaan Bernabeu.
Gool FM.