Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mudada uu garoomada ka maqnaan doono Toni Kroos oo la shaaciyay (Diyaar ma u noqon doonaa kulanka PSG)

$
0
0

(Madrid) 16 Feb 2018 Real Madrid ayaa ka hadashay dhaawaca uu qabo laacibkeeda Toni Kroos kaas oo garoomada faarujin doona dhawr isbuuc.

Kooxda ayaa boggeeda rasmiga ah ku shaacisay in Toni Kroos lagu sameeyay baaritaan dheeraad ah, waxaana la ogaaday inuu dhaawac ka qabo jilibka lugta bidix.

Toni Kroos ayuu dhaawacaan ka soo gaaray kulankii ay 3-1 uga adkaadeen kooxda PSG arbacadii, laacibka ayaana shaki laga muujinayaa inuu taam u noqon karo kulanka lugta labaad.

AS ayaa daaha ka qaaday in Toni Kroos uu garoomada ka maqnaan doono muddo dhan 2-isbuuc, wuxuuna beegsanayaa inuu taam u noqdo kulanka PSG.

Mateo Kovacic ayaa badalkiisa ciyaari doona kulanka axada ay Real u safrayso kooxda Real Betis sida ay baahisay Marca oo dhankeeda ka hadashay dhaawaca Toni Kroos.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles