(Madrid) 16 Feb 2018. Rigooradii uu Ronaldo ka dhaliyay ciyaartii dhaweyd ay 3-1 uga adkaadeen PSG lugta hore ee wareega 16 ka Champions League ayaa dood badan ka abuuray baraha bulshada.
Dad badan ayaa soo jeediyay inuu Sixir isticmaalay maadaama kubbada la arkayay iyadoo wax yar kor u kacday ka hor inta uusan laadin.
Yeelkeede, The Sun oo sheekadan u kuur gashay ayaa iminka soo saartay sabab ay ku sheegtay inay tahay midda rasmiga ah ee kubbada kor u kicisay ka hor inta uusan Ronaldo darbeyn.
Jariiradda afka dheer ayaa sheegeysa in Meesha rigoorada laga tuuro ay biyo lahayd amaba cowska lagu sameeyay wax ay ku sheegeen water pocket taa oo sababtay inay kubbada sare u kacdo in yar markii uu Ronaldo dhulka xoog u soo dhigay lugta bidix ka hor inta uusan lugta Midig ku laadin.
Khabiir dhanka Beeraha oo lagu magacaabo Peter Seabrook oo ay The Sun ka wareysatay dhacdadan ayaa ku waramay:
“Haddii cowska garoonka laga hoos mariyo caro adag waxaa hoostiisa ka abuurmaya meelmeelo ay biyuhu galaan waxaa kaddib biyaha la soo cadaadiyay ay ku dhegayaan dahaarkii sare ee cooska taas oo awood u yeelanaysa in ay dalacdo kubad qafiif ah.
“Garoomo badan oo ingiriiska ah ayaa waxaa ku dhisan ciid aysan biyuhu ka soo gudbeynin , ma garanayo sida garoommada Spanishku u dhisan yihiin.
“Waxay u badan tahay in qeybta rigoorada laga tuuro dhowaan coos la saaray. Marka cooska ciidda hoose lagu talaalo ama ay ciiddaa la falgasho waxay u badan tahay inay yeelanayso barkad yar oo biyuhu galaan oo ka hooseysa cooska sare”.
Gool FM.