Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Antonio Conte oo daaha ka rogay Taak-Tikada ay ku joojin doonaan Messi kulanka Talaadada

$
0
0

(London) 18 Feb 2018. Tababare Antonio Conte ayaa daaha ka rogay Taak Tikada ay talaadada ku joojin doonaan Lionel Messi marka ay Stamford Bridge ku marti galin doonaan Barcelona lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Blues ayaa si sahlan ugu soo gudubtay sideed dhamamadka FA Cup kaddib markii ay afar gool ku xaaqday Hull City.

Macallinka reer Talyaani ayaa kulankaa nasiyay Eden Hazard iyo Kante isagoona u dhigtay kulanka la wada sugayo ay ku wajahayaan camaaliqada Spain.

Conte ayaa daaha ka rogay inaysan si wayn isugu mashquulin doonin Messi kulanka Talaadada isagoona sheegay inuuba wacdaro waalan dhigo marka si gaar ah loo u gaarsado amaba laacib loo xil saaro inuu kaligiis raacdo.

Natiijada sawirka Messi vs Chelsea

Lionel Messi weligiis gool kama dhalin Chelsea mar uu Conte ka hadlayay arrinka ayuu yiri:

“Waxaan rajeynayaa inaan sii joogteyno dhaqankan soo jireenka ah, laakiin waxa aan ka hadleyno waa laacib cajiib ah.

“Waa inaan xushmad wayn u muujinaa laakiin isla markaana waa inaan xiiseynaa inaan ciyaarnoo kulan ceynkan oo kale ah aana qaadano tartanka ceynkan oo kale ah.

“Wax sahlan ma noqon doonto maxaa yeelay si fiican ayaan u garaneynaa laacibkan. Waxaan ka hadleynaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka. Laakiin waxaan hubin doonnaa inaan wada shaqeyn doonno aana kooxda la shaqeyn doono.

Natiijada sawirka Antonio Conte vs Barcelona

“Laakiin ma ahan oo kaliya inaan isku dayayno inaan isaga joojino, haddii aan diirada saarno inaan laacib saarno Messi, Khatar ayay noqon kartaa.

“Waqti dheer ayaan falanqeynaynay kooxdan, bil ka hor ayaan bilownay inaan falanqeyno kooxdan, Waxaan ka hadleynaa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka.

“Tani waa koox ka duwan kuwa kale, dabeecad cajiib ah ayay leeyihiin marka ay kubbada heystaan, balse iin ayay leeyhiin marka aysan kubbada heysan sidaa darteed waa inaan midaas uga faa’iideysanaa.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles