(Europe) 19 Feb 2018. Garsooraha reer Turki ee Cuneyt Cakir ayaa dhax dhaxaadin doono kulanka berito ee Chelsea iyo Barcelona lugta hore ee wareega 16 ka Champions League ee lagu ciyaari doono Stamford Bridge.
41-jirka ayaa garsoori doona kulan kale oo u dhexeeya Blues iyo Barca kaddib lix sanadood.
Kulankii ugu dambeeyay uu dhax dhaxaadiyo oo u dhexeeyay labada kooxood ayaa ahaa 2011/12 kulan same final ah oo ka dhacay Nou Camp kaa oo ku idlaaday bar baro 2-2.
Camaaliqada reer Spain ayaana kulankaa looga reebay Champions League maadaama lugtii hore looga soo adkaaday Ingiriiska.
Lionel Messi oo aan weligii gool ka dhalin Chelsea ayaa sidoo kale kulankaasi Rigoore cunay.
Kulanka kale ee isna berito dhici doona ee Bayern Munich iyo Besiktas ayaa waxaa dhax dhaxaadin doona garsooraha reer Romania ee Ovidiu Hategan.
Gool FM.