(London) 20 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa u balan qaaday asxaabtiisii hore ee Real Madrid inay Champions League ka saari doonaan Barcelona.
Alvaro Morata oo la xiriiray asxaabtiisii hore ee Real Madrid ayaa u sheegay in Barcelona caawa lagu dhigi doono lama arag iyo lama maqal sida ay baahisay Don Balon.
25 jirka reer Spain ayaa u sheegay ciyaartoyda Real Madrid in Barcelona caawa ay ciqaab ku mari doonto Stamford Bridge marka la fiiriyo qorshaha ay diyaarsatay kooxda Chelsea.
Morata ayaa si wayn u neceb Barcelona maadama uu inbadan u soo ciyaaray Real Madrid, isla markaana Barca ay ka qaaday Champions League 2015 markaas oo uu u ciyaarayay Juventus.
Wuxuuna doonayaa inuu sifiican uga aarguto kooxda tababare Valverde oo xiliciyaareed kaan ku jirta qaab ciyaareed fiican.
Gool FM