Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Hazard iyo Barca oo markii ugu horreeysay kulmaya!

$
0
0

(London) 20 Feb 2018. Chelsea waxa ay lugta hore ee is aragooda Champions League-ga wareeggiisa 16-aad soo dhaweyneysaa Barcelona, kulankii ugu horreeyey oo tartan rasmi ah ay isaga horyimaadan Edin Hazard iyo Blaugrana.

Marka kale, Hazard waa xiddigga kowaad (Main Player) ee Chelsea.

Waxaa lagu tiriyaa magacyada ugu waa weyn ee kubadda cagta waqtigan, waxa uu helaya fursad uu uga horyimaado Lionel Messi.

Walow ay isaga horyimaadeen xulalka koobkii aduunka ee 2014, hadana labadooda waa markii ugu horreeysay ee ay isku fara saarayaan Champions League-ga.

Dhawaantan, aabihii, Hazard waxa uu sheegay in ay albaabada u furan yihiin wiilkiisa in uu ku biro Real Madrid.

Qadarinta laba geesoodka ah ee Edin Hazard iyo Zinedine waxa ay ka dhigeysaa Real Madrid mid fursad wacan u haysata helidda xiddigga – madal uu bandhig wnaagsan  ugu ciwaabo dhinaca Ernesto Valverde ayuu haystaa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles