(London) 22 Feb 2018. Eden Hazard ayaa sheeganaya inuu isagu sabab u ahaa Goolkii uu Willian ka dhaliyay kooxda Barcelona.
Timo waynaha reer Brazil ayaa qaab ciyaareed aan innaba caadi ahayn ku jiray lugta hore ee wareega 16 ka Champions League ay 1-1 la galeen Barca.
Willian ayaa birta ku dhuftay labo jeer qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uusan ugu dambeyn gool shidan ka dhalin goolhaye Marc-Andre ter Stegen qeybtii labaad ee Dheesha.
Eden Hazard ayaa ku kaftamay inuu isagu ka dambeeyay goolka uu dhaliyay saaxiibkii.
“Waxaan ku iri isaga inuu goolka ku laado kubbada ee ma ahan inuu biraha garaaco,” Laacibka reer Belgium ayaa sidaa ku kaftamay.
“Waxaan midaa u sheegay qeybtii hore ee ciyaarta waadna aragteen inuu goolka dhaliyay qeybta labaad.
“Waan u faraxsanahay isaga. Dhabtii si fiican ayuu u ciyaaray.
“Waa ciyaaryahan heer sare ah wuuna muujiyay midaa.
Gool FM.