(Madrid) 23 Feb 2018 Real Madrid ayaa helaysa war aan wanaagsanayn oo ku aadan dhaawaca laacibkeeda qadka dhexe ee Toni Kroos.
Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulankii lugta hore ee kooxdiisu ay 3-1 uga adkaatay PSG, laacibka reer Jarmal ayaana la sheegay inuu dhaawac ku ciyaarayay kadib markii ay isku dheceen Mbappe.
Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday inay aad u adagtahay in Toni Kroos uu taam u noqdo kulanka lugta labaad ee PSG kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo soo gaaray xiddiga.
Real Madrid ayaa diyaarisay badalkiisa, waxaana la filayaa in tababare Zidane uu kalsooni siin doono Kovacic kulanka lugta labaad kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii Real Betis iyo Leganes.
Dhaqaatiirta Real Madrid ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii Toni Kroos uu taam ugu noqon lahaa kulanka adag ee PSG.
Gool FM