Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

ISBEDELLO: UEFA oo isbedello ku samaysay tartamada UEFA Champions League & Europa League

$
0
0

(Nyon) 28 Feb 2018 – UEFA ayaa soo saartay isbedello rasmi ah oo ay ku sameeysay hab-raaca Koobka Horyaallada Yurub ee UEFA Champions League iyo midka Europa League.

Waxyaabaha wax laga bedeley waxaa ugu horreeya xilliyada ay soo gelayaan ciyaaraha Champions League oo laga dhigay labada jeer oo ay midi tahay 18:55CET iyo tii kale ee ahaan jirtey 20:45CET oo laga dhigay 21:00CET.

ISBEDELLADa MUHINKA IHI WAXAY NOQONAYAAN SIDATAN:

1. 26 kooxood ayaa si toos ah u geli doona heerka guruubyada ee UEFA Champions League – kuwaasoo ay ku jiraan ku guulaystayaasha UEFA Champions League iyo UEFA Europa League – iyadoo ay 6 boos ay diyaar yihiin.

2. Naadi kasta oo laga reebo UEFA Champions League wuxuu toos ugu biiri doonaa UEFA Europa League.

3. 17 kooxood ayaa haatan si toos ah u gelaya heerka tartanka UEFA Europa League, kuwaasoo ay 10 ka tirsani ay yihiin kuwa kasoo hara hordhacyada UEFA Champions League iyo wareegga 3-aad iyo 21 boos oo lagu qaadanayo laba jid (kooxda hanata UEFA Europa League iyo boosaska horyaallada).

4. Waxaa jiri doona wareeg horaadyada isreebreebka UEFA Champions League (ee loo ciyaari doono qaab bug bax ah) iyo UEFA Europa League (oo loo ciyaarayo qaabka labada lug).

5. Waxba lagama bedeli doono qaabkii heerka guruubyada iyo qaababkii loosoo bixi jirey, balse waxaa isbedelli ku dhici doonaan saacadda la ciyaari jirey oo laga dhigi doono – 18.55CET iyo 21.00CET – dhamaanba labada koob ee UEFA Champions League iyo UEFA Europa League.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles