(Torino) 06 Maarso 2018 Tababare Allegri ayaa helaya war wanaagsan ka hor kulanka kooxdiisu ay u martin doonto Tottenham habeen dambe.
Gonzalo Higuain ayaa saaka dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Juventus kadib markii uu dhaawac dhanka anqowga ah uu ku seegay kulamadii u danbeeyay.
Sidoo kale, weerar yahanka reer Croatia ee Mario Mandzuki oo isna shaki laga qabay inuu taam u noqon karo kulanka habeen dambe ee Tottenham ayaa lagu arkay tababarkii saaka.
Ciyaartoyda Juventus ayaa saxaafada hortooda tababar ku qaatay 15-daqiiqo, waxayna kadib u wareegeen garoon kale si looga weeciyo indhaha saxaafada.
Lama hubo wali in labadaan laacib ay ciyaari doonaan kulanka Tottenham, tababare Allegri ayaana la filayaa inuu wax badan ka hadli doono marka uu qabto shirka jaraa’id ee ka hor ciyaarta.
Gool FM