(Manchester) 08 Maarso 2018 Tababare Pep Guardiola ayaa qaadan waayay guul daradii xalay kooxdiisa ka soo gaartay kooxda FC Basel oo marti u ahayd.
Pep ayaa sheegay in ciyaartoydiisu ay garan waayeen sida loo baaso kubadda, sida weerar loo sameeyo iyo xitaa sida kubadda cagta loo ciyaaro qaybtii labaad ee ciyaarta.
Wuxuu intaa ku daray in kadib kulankii FC Basel dadka dhan ay ku fikireen in Manchester City aysan diyaar u ahayn inay u tartanto Champions League xiliciyaareed kaan.
“Waa suurogal in dadku ay ku fikiraan in Manchester City aysan diyaar u ahayn ku guulaysiga Champions League” ayuu yiri tababare Pep Guardiola.
“Dabcan waan ku faraxsanahay inaan soo gaarno wareega rubuc dhamaadka koobka horyaalada yurub, laakiin qaybtii labaad waxaan hilmaanay sida weerar loo sameeyo, sida loo ciyaaro kubadda cagta iyo sida loo baaso kubadda”.
“Dhaq dhaqaaq la’aan ayaan kubadda baasaynay, baas iyo baas mana jirin wax intaas ka badan oo aan samaynay, waxaasi ma ahan kubadda cagta, aad ayaan u liidanay qaybtii labaad”.
FC Basel ayaa xalay 2-1 ku garaacday kooxda Manchester City oo ku soo baxday wadar ahaan goolal dhan 5-2.
Gool FM