(Europe) 10 Maarso 2018. Shaki kuma jiro in taageerayaasha PSG ay doonayeen inay xaasidnimeeyaan oo ay cabsi galiyaan Real Madrid kulankii Champions League ee talaadadii la soo dhaafay, waxaana iminka soo ifbaxaya sida ay kooxda reer France u rabeen in Taageerayaashooda ay falkaa ku sameeyaan xiddigaha Los Blancos.
UEFA ayaa durba dacwad ku furtay camaaliqada reer France kaddib qalalaasihii ay taageerayaashooda ka sameeyeen kulankii lugta labaad iyo waliba dhaqankooda inta lagu guda jiray kulanka.
Jariiradda L’Equipe ee ka soo baxda Faransiiska ayaa iminka daaha ka rogtay in Saraakiil qiimo sare leh ay Booliska gudaha waydiisteen in Baskii garoonka u siday xiddigaha Real Madrid ay ka reebaan baabuurta iyo mootooyinka ilaalada u ahaa.
Dabcan, Booliskii ayaa diiday Dalabka loo soo gudbiyay iyagoona hubiyay in kooxda martida ahayd ay nabad tagtay.
Gool FM.