(Europe) 13 Maarso 2018. Roma ayaa raaskeeda ku marti qaadeysa Shakhtar Donetsk lugta labaad ee wareega 16 ka Champions League.
Kooxda reer Talyaani ayaa lugtii hore looga soo adkaaday 2-1.
Wararka Labada dhinac:
Gregoire Defrel ayaa la arkaa inuu taam yahay kaddib bil uu dhaawac ku maqnaa balse uma badna in Roma ay khatar galin doonto.
Daafaca Rick Karsdorp ayaa weli ka maqan dhaawac waqti dheer mana soo noqon doono ilaa bisha dambe.
Daafaca Shakhtar Sergiy Kryvtsov, kaa oo dhaawac ku baxay lugtii hore ayaan soo kaban waqtigii loo baahnaa, Ivan Ordets oo booska ka badelay kulankaa ayaa markale ciyaari kara.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Roma vs Shakhtar (Lugta hore ee wareega 16 ka Champions League)
Goobta: Stadio Olimpico, Rome
Goorta: 10:45 Habeenimo
Garsoorka: Alberto Undiano (Spain)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Shakhtar Donetsk ayaa adkaatay afar ka mid ah 5-tii kulan ay Roma la ciyaartay (Hal guul darro), dhammaan Champions League ayay ku kulmeen.
In ka badan kala bar kooxaha kuwaa oo 2-1 looga soo adkaaday kulamada bannaanka ee wareegyada bug baxa Champions League ayaa u soo gudbay wareega xiga.
Yeelkeede, Roma ayaa laga cirib tiray tartanka dhammaan afartii kulan ee kulamada bug baxa Champions League ee laga adkaaday lugta hore.
Kooxda ka dhisan Ukrainian ayaa u jeedkeedu yahay inay gaarto wareega sideed dhammaadka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2010-11, waxayna markaa wareega 16 ka ka adkaatay Roma 6-2 isku cel celis labada lug.
Haddii ay Roma ka jawaab celiso guul daradii lugta hore waxay gaari doontaa quarter-final ka tartanka markii saddexaad.
Safafka Macquulka ah ee Roma vs Shakhtar:
Gool FM.