(Manchester) 14 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa loo soo jeediyay inuu baneeyo jagada uu ka haayo kooxdaas.
Manchester United ayaa xalay garoonkeeda looga reebay koobka horyaalada yurub, waxaana reebtay koox aan la filayn oo aad uga awood yar kooxda reer ingiriis.
Khabiirka reer Spain ee Guillem Balague ayaa u sheegay maamulka Manchester United inay iska cayriyaan tababare Jose Mourinho.
“Sababta ayaa ah in dad badan oo aniga ila mid ah ay qabaan in Manchester United ay u qalanto wax intaas ka badan, sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in lagama maarmaan ay tahay in Mourinho uu isaga tago United” ayuu yiri Guillem Balague kadib kulankii xalay.
“Waa inay sifiican u ciyaaraan, waa inaad kubadd qurxoon soo bandhigtaa marka aad bixiso lacag badan, waxaan rumaysanahay in taageerayaasha Man United ay u qalmaan inay arkaan waxa haatan dhacaya wax inbadan ka fiican”.
Gool FM