(Manchester) 14 Maarso 2018 Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa fariin dahsoon u diray maamulka kooxdiisa kadib guul daradii xalay ka soo gaartay Sevilla.
Mourinho ayaa doonaya in maamulku uu kooxda markale galiyo qarash badan suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan maadaama kooxdu ay ka hartay Champions League.
Warkaan ayaa ah mid layaab la ah qaar kamid ah taageerayaasha Manchester United, kuwaas oo wax qiil ah aan u hayn Mourinho kadib markii farta laga saaray 350 milyan oo Ginni laba xiliciyaareed gudahood.
Jose ayaa sheegay in koox walba ay lacag qarash garayso isla markaana kooxdiisa looga baahan yahay inay sii wado qarash garaynta lacagta ay haysato.
“Wax walba waa inay is badalaan, qof walba lacag ayuu bixiyaa soo sax ma ahan? anaga oo kaliya ma ahan waxa lacagta bixiya soo sidaas ma ahan? waa wax dabiici ah inay lacag bixiso koox walba oo guul doonaysa” ayuu yiri tababare Mourinho oo fariin dahsoon u dirayay maamulka United kadib guul daradii Sevilla.
“Kooxaha oo dhan ayaa saxiixyada lacag badan ku bixiya anaguna waa inaan sidaas oo kale samaynaa, ma haysano waqti ka badan 24-saac si aan u murugoono, tani waa kubadd cag ee ma ahan aduunyo gadoon”.
Gool FM