(Nyon) 16 Maarso 2018 Kadib isku aadkii Champions League, UEFA ayaa markaan samaysay isku aadka wareega 8-da ee koobka Europa League.
Arsenal ayaa qoorta loo galiyay kooxda reer Ruush ee CSKA Moscow taas oo si cajiib ah ku soo reebtay kooxda Lyon.
Atletico Madrid oo kamid ah kooxaha ugu cad cad hanashada koobkaan ayaa dhankeeda lagu beegay kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon.
Isku aadka oo dhamaystiran:
RB Leipzig v Marseille.
Arsenal v CSKA Moscow.
Atletico Madrid v Sporting Lisbon.
Lazio v Red Bull Salzburg.
Gool FM