(Barcelona) 26 Maarso 2018 Laacibka Barcelona waxaa ugu danbaysay 2015 inuu ku guulaysto xiddiga ugu fiican adduunka, 2016 iyo 2017 waxaa abaal marintaas ku guulaysanayay Ronaldo kaas oo haatan ay wada leeyihiin min 5-Ballon d’Or.
Sida ay baahisay Don Balon, Messi ayaa dajiay qorshe cusub oo Ronaldo uu uga dul qaadayo Ballon d’Or, laacibka ayaana doonaya inuu lugtiisa ku reebo Cristiano iyo xertiisa.
Messi ayaa aad u doonaya in Barcelona lagu beego Semi Final-ka Champions League kooxda Real Madrid si uu u tuso inuu markale yahay laacibka ugu fiican adduunka isla markaana uu kooxdiisa u soo saaro Final-ka Champions League.
Labada kooxood ayaa la kala ciyaaraya Roma iyo Juventus, laakiin waxay qabaan dareen ah inay soo bixi karaan labadooda taas oo keentay in laga sii fikiro Semi Final-ka.
Leo ayaa la dhacsan in Real Madrid iyo Barcelona ay isku arkaan Semi Final-ka koobka horyaalada yurub, si Barcelona ay u reebto Real isla markaana uu sidaas isaga reebo Ronaldo oo markale uu kala kulmayo tartan culus oo ku aadan Ballon d’Or-dii 6-aad.
Wuxuu rumaysan yahay laacibka reer Argentina haddii uu lugtiisa uga reebo Real Madrid Champions League in sidaas uu uga qaaday Ronaldo abaal marinta xiddiga adduunka.
Gool FM